Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa maanta soo kormeeray dhulka xarunta dhexe ee wasaaradda.
Dhulkan oo ku yaalla degmada Boondheere ee caasimadda Muqdisho, ayuu sidoo kale maanta si rasmi ah ula wareegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in dhulkaasi dib u dhig laga bilaabayo, kadib markii dhawaan laga saaray dad shacab ah oo deganaa, kadib markii ay u baatay wasaaradda, sida uu sheegay wasiir Cali Xoosh.
Kormeerka wasiirka ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta wasaaradda, waxaana la filayaa in dhawaan la bilaabo dhismaha dhulkan, oo noqonaya mid ay ku shaqeyso wasaaradda.
28-kii bishii hore ayey aheyd markii dowladda ay si xoog ah ku baneysay dhulkaan, ayada oo gawaarida cagafta oo ay la socdaan ciidamada ammaanka ay markaas dhinac ka mareen dhismaha ay xeyndaabkaas ka dhisteen dadka laga saaray.







