Xasan sheikh oo kulan la qaatay MD Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Qaahira xarunta Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Dalkaas Cabdulfitaax Al-Siisi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ay kawada hadli doonnaan xaaladda, Xoojinta Xiriirka & Danaha wadajirka ah ee labada Dowlad & Labada Shacab ay wadaagaan.

Waxaa jira heshiis horay u wadagaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar Cabdulfitaax Al-Siisi oo qudhiisa wax iska weydiinayaan waxyaabaha ka dhaqangalay.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa sii xooggeystay cilaaqaadka labada Jamhuuriyad ee Soomaaliya iyo Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer safarro ku tagay Dalkaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika.