Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la dhiiri-galiyo dadka beeraleyda ah.
Wasiirka ayaa magaalada Jowhar ee caasimadda KMG ah ee Hirshabeelle ku shir guddoomiyay kulanka wasiirada beeraha heer federaal iyo dowlad goboleed.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ay dhowaan golaha wasiirada horgeyn doonaan amar ciidamada lagu farayo in ay cunaan bariiska ka soo baxa dalka.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli culeysyo kala duwan ay wajahayaan bulshada beeraleyda ah, kuwaasi oo qeyb ka yihiin dhinaca suuq la’aan, amniga iyo canshuurta oo goobaha qaar lagu kordhiyo.