Golaha Ammaanka oo waqtiga u kordhiyay Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay soo jeedinta ah in waqtiga loo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyada oo lasii wadayo qorshaha dhimista Ciidamada si loo yareeyo askartaan badan ee Gudaha Soomaaliya jooga dhowr iyo tobankii sano u dambeeyay.

Muddo ahaan waqtiga howlgalkaan waxa uu ku siman yahay ilaa 31ka Bisha u dambeysa sanadkaan 2024 ee Deseembar balse waxa uu Golaha Ammaanka u codeeyay in waqtiga loo kordhiyo waxna laga baddelo ciidanka Afrikaanka ah iyo sida ay uga howlgalayaan Gudaha Dalka sida hadalka loo dhigay.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) ayaa nasiib darro ku tilmaamay Warsaxaafadeedka Qaramada Midoobay ee muujinaya in howlgalkaan waqtiga loosii dheereenayo iyada oo Dowladda Soomaaliya sugeysay in ay la wareegto mas’uuliyadda amniga Dalka.

Qaraarkaan ayaa ciidamada Afrikaanka ah u fasaxaya in ay howlgalkooda Soomaaliya sii wadaan 12,626 oo askari oo xiran Tuutaha ciidanka waa kuwa Militariga ah iyo 1,040 oo Booliiska caawinaya kuwa federaalka & Dowlad-Goboleedyada sida lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.