Wafdi ballaaran oo ay hoggaamineyso Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Osman Egal, ayaa maanta gaarey degmada Balanballe. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaanno, Agaasimeyaal, iyo marti sharaf kale, iyaga oo ka qeybgalaya munaasabad lagu xarig jarayo garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.
Munaasabadda xarig-jarka garoonka diyaaradaha ee Balanballe ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo isku xirka gaadiidka hawada ee gobolka, taasoo gacan ka geysan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo fududeynta isu socodka bulshada. Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa sidoo kale la filayaa inay la kulmaan mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, iyaga oo kala hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa horumarka iyo adeegyada bulshada ee degmada Balanballe.





+4
All reactions:
Mahamed Abdi Hashi, Khãdår M. Xāsäñ and 32 others