Mid kamid ah Beelaha dega waqooyiga Gobolka Galgaduud Ayaa Wareejisay Saddex Ruux oo Xalay Kooxo Dablay ah ay ka Afduubteen Deegaanka Laandheer.
Beeshaan oo kasoo Jeeda Caabudwaaq Ayaa Saddexdaan Ruux oo Rag ah ku Wareejisay Beesha Degta Magaalada Huurshe,Madasha Wareejinta Ragaan Waxaa Goobjoog ahaa Hugaamiyaha guud ee Culimada Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax.




