Wasiirkii Waxbarashada Dalka Suudaan Maxamuud Siri Al-Khatam ayaa ku geeriyooday Hoteel ku yaalla Magaalada Giza ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Xukuumadda Qaahira oo faah-faahin hordhac ah bixiyay.
Maxamuud waxa uu xilkaan qabtay Bishii Janaayo sanadkii hore 2023, waxa uu kamid noqday Wasiirro iyo Saraakiil reer Suudaan ah oo ku nool Dalka Masar wixii ka dambeeyay markii rabshadaha ka dhaceen Dalkiisa Hooyo.
Gelinkii dambe ee Jimcihii ayuu geeriyooday, sababta waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah Xididada dhigga qaada ay shaqadii ay jirka ka hayeen joojiyeen, waxa uu qabay ama ku dhacay Xannuunka Macaanka sida lagu sheegay faah-faahinta hordhaca ah ee la helayo.