Muqdisho – Bilan Media
Kulan muhiim ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen guud ahaan ururrada haweenka Soomaaliyeed. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray wax ka beddelka lagu sameeyay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, taas oo hadda loo beddelay magaca Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, iyo sidoo kale caqabadaha weli hortaagan qoondada haweenka ee siyaasadda dalka.
Kulanka waxaa hoggaaminaysay Saynab Maxamed Xasan, oo ah aasaasaha iyo agaasimaha xarunta SGEM. Saynab ayaa si toos ah u muujisay sida ay uga xun tahay in xilalka haweenka lagu beddelo rag, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo cadaaladda iyo qoondada haweenka ee dastuuriga ah.
“In mar walba gabadh xilka laga qaado oo loo dhiibo nin ma aha arrin sax ah. Waa qalad in sidaas loo dhaqmo. Haweenku waxay xaq u leeyihiin in la siiyo ugu yaraan 30% qoondada siyaasadeed, haddii aysan suuragal ahayn in ay helaan 50%,” ayey tiri Saynab.
Waxay intaas ku dartay in haweenka Soomaaliyeed ay leeyihiin aqoon, karti, iyo waayo-aragnimo ay ku hoggaamin karaan dalka, iyadoo ugu baaqday in aan la duudsiyin xuquuqdooda.
Caasha Cabdulle Siyaad, oo ka tirsan ururrada haweenka ee kulanka ka qayb galay, ayaa sheegtay in wax ka beddelka lagu sameeyay magaca wasaaradda aan lagala tashan ururrada haweenka:
“Magacii aan ku naqaanay wasaaradda waa laga beddelay, waxayna hadda noqotay wasaarad cusub oo loo magacaabay nin. Waxaan codsaneynaa in magacii hore dib loogu soo celiyo.”
Intii uu kulanka socday, haweenka ayaa si furan u wadaagay aragtiyo kala duwan, waxayna si mideysan uga soo saareen baaq ah in:
- Haweenka si dhab ah looga qaybgeliyo go’aamada siyaasadeed.
- Magacii hore ee Wasaaradda Haweenka dib loogu soo celiyo.
- La ixtiraamo qoondada 30% ee haweenka, taas oo ku xusan dastuurka.
Haweenka Soomaaliyeed waxay mar kale muujinayaan in ay diyaar u yihiin in ay doorkooda ka qaataan siyaasadda dalka, iyagoo cod dheer ugu baaqaya in la ixtiraamo xaqooda iyo metelaaddooda.

W/Q: Shukri Mohamed Abdi
Bilan Media