Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay laba Eedeysane oo dhaca u geysanayay gaawirada, kuwaas oo lagu soo qabtay ayaga dhacaya Gaari noociisu yahay probox DQ528, 2-da Eedaysane oo lagu kala magacaabo C/raxmaan cabdiqafaar maxamuud ina ubax Axmed iyo Xasan carabey Muuse ina saynab c/qaadir.
Eedaysanayaasha ayaa Gaariga ka soo dhacay xafad kamid ah magalada Gaalkacyo, iyada oo ay daba joogeen Booliska Gobolka Mudug markii ay xogta gaariga soo gaartayba la wadaagay Saldhigyada Xafadaha Magalada Galkacyo, ayaa lagu qabtay Xaafadda garsoor gaar ahaan Saldhiga Galbeed ee Warshad Galeey.
Ciidamada Booliska Puntland, ayaa maalmihii u dambeeyay waday hawlgallo ay ku xaqiijinaayaan amniga, iyaga oo horay u soo qabteen mid ka mid ah maxaabiista oo ka baxsaday xabsiga, oo ka tirsanaa Al-Al-shabaab.