Cabdicasiis Maxamed oo dhalay Luuc Jaziira oo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray Dab la uu gurideeda qabadsiiyay Saygeeda Sayid Cali Macallin Daa’uud oo Marwadiisa ahayd ayaa dalbaday in loo fuliyo xukunka qisaasta ah ee horay loogu xukumay eedeesanaha.
Aabaha Luul oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii uu soo idlaaday dhagaysiga Caabashada Maxkamadda Sare ee Dalka ay u gudbiyeen Qareennada Difaacaya Sayid Cali ayaa meesha ka saaray in ay rabaan ama qaadanayaan Mag (Diyo).
Qareennada Sayid Cali oo ku qanci waayay Xukunnadii isku midka ahaa ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo tan Racfaanka ay ku rideen ee aha dil toogaso ah ayaa cabasho u aaday Maxkamadda Sare Dalka oo go’aanka ugu dambeeya gaari doonto.
Go’aanka ugu dambeeya ayaa laga sugayaa Maxkamadda Sare ee Dalka, Dood ayaa maanta dhexmartay Qareennada Sayid Cali oo ka bariyeelayay xukunnada lagu riday iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta oo difaacaysay Xukunnadaas.