Galmudug, [Taariikhda: 29/08 2024] – Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa caawa ansixiyay in degmooyinka Balanballe, Caabud-waaq, Dhabbad, iyo Xeraalle loo aqoonsado gobol cusub oo magaciisu noqon doono Galwaaq. Kulankan muhiimka ah ee Wasiirada, oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa ugu horreyn shirka Golaha Wasiirada horkeentay talo soo jeedin ku saabsan gobolaynta cusub ee gobolka Galwaaq, kaas oo laga goyn doono gobolka Galgaduud. Kadib dood dheer oo la xiriirtay wajiga koowaad ee soo kordhinta gobollo cusub oo qeyb ka noqonaya Galmudug, Golaha Wasiirada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay soo jeedinta, taasoo hadda loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka Galmudug si loo dhammeystiro ansixinta iyo si gobolka cusub uga mid noqdo Galmudug, oo horey uga koobnayd Galgaduud iyo Mudug.
Go’aankan ku saabsan goboleynta cusub ee Galwaaq ayaa kusoo aadaya xilli Galmudug ay u diyaargaroobayso doorashooyinka soo socda, iyadoo mudda xileedkii goloyaasha uu dhammaaday. Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Madaxweyne Qoor Qoor uu safar shaqo oo toddobaad qaatay kusoo maray degmooyinka Balanballe, Caabud-waaq, iyo Xeraalle, halkaas oo uu kulamo kala duwan la yeeshay maamullada degmooyinkaasi, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
