Sida ay muujiyaan ilo kala duwan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay dejinta qorshe ay ku xoojineyso Ciidamada ku sugan Dowlad-Goboleedyada hoostaga si gaar ah Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.
Ujeedka Dowladda Federaalka waa in ay adkeeyaan Amniga Deegaannada haatan gacanta Dowlad-Goboleedyadaan ku jira iyo in ay askarta halkaas joogta ay usii dhaqaaqaan howlgallo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanno weli ‘AS’ ay joogaan.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamo u badan kuwa Xoogga Dalka ay u jiheysanayaan afartaas Dowlad-Goboleed si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee halkaas ku sugan si loo xoojiyo amniga Magaalooyinka Dowladdu dib u qabsatay.
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo loo xilsaaray sidii ay xog dhammeystiran uga keeni lahaayeen ciidamadaan qaabka loo kala qaybinayo ayaa ugu dambeyn soo ogaaday xogtii loo diray.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka & qaybo kamid ah Furimaha Dagaalka tagayay Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo la kulmay taliyeyaasha ciidamada si loo ogaado askarta tiradooda iyo haddii ay ku filan yihiin qorshaha cusub ee Dowladdu keentay.