Hay’adda Duulista Rayidka oo beenisay in ay Hawada Soomaaliya ku wareejineyso Dal Shisheeye

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay Warar saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay oo la xiriira in Hawada Dalka lagu wareejinayo Dowlad Shisheeye si ay u maamusho.

Warka ayaa lagu sheegay in Hawada Soomaaliya ay tahay Astaan qaran isla markaana horumar la taaban karo laga sameeyay tan iyo markii Dowladda loo soo gacan geliyay sida lagu yiri qoraalka Hay’adda SCAA kasoo baxay.

Arrin aanay dhici Karin ayay ku tilmaamtay in gacan kale maamusho Hawada Soomaaliya marka la eego awoodda buuxda ay u leedahay Hay’addaan maamulka Hawada, SCAA ayaa meesha ka saartay jiritaanka wararka la hadal hayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ka digay in Hawada Dalka maamulkeeda loo gacan geliyo Dal Shisheeye taasi oo dhaawacaysa Madaxbannaanida & qarannimada, inkasta oo Hay’adda Duulista Rayidka ay beenisay arrintaas.