Sidee ayey u arkaan Bulshada Soomaaliyeed Canshurta 5%-ta ah ay kusoo rogtay DFS Badeecadaha?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday cashuur cusub oo ah 5% oo laga jarayo badeecadaha ganacsiga ee dalka la keeno ama la iibiyo. Dowladda ayaa sheegtay in cashuurtaan ay tahay mid muhiim u ah kor u qaadista dakhliga dowladda si adeegyada bulshada loo hormariyo.

Dhanka kale, shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa si degdeg ah fariimo ugu diray macaamiishooda, kuwaas oo lagu wargelinayo in lacagaha la isugu diro mobilka aysan saameyn doonin cashuurta cusub, maadaama lacagahaas si dijitaal ah loo maamulo oo aysan si toos ah ugu jirin nidaamka badeecadaha ganacsiga.

Haddaba sidee ayay bulshada Muqdisho u aragtaa cashuurta cusub?

Cabasho iyo Dareen Walaac leh oo Ka Jira Suuqa Hoose

Abdiwaahid Warsame, oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee magaalada Muqdisho, ayaa cabasho xoogan ka muujiyey cashuurta cusub:

“Cashuurta la kordhiyey waxa aan u arkaa nin baahan la yiri wax bixi. Iskool waa lacag, biyuhu waa lacag, koronto iyo kirada sidoo kale. Hadda cashuurta cusub waxa aan u arkaa mid qalad ah — wax kasta oo aad gadato ayaa lacag laga goynayaa. Madaxweyne, haddii aad leedahay ‘guriga iska jooga’ noo sheeg, anigu cashuur kale ma bixin karo.”

Maxay Tahay Beddelkeeda?

Mohamed Abuukar, oo ka shaqeeya bajaaj, ayaa isna dareen tiiraanyo leh ka muujiyey arrinta:

“Dowladaha kale ee dadkooda cashuurta ka qaada waxay siiyaan waxbarasho bilaash ah, caafimaad, iyo adeegyo kale. Laakiin haddii aan bixino cashuurta, maxaan beddelkeeda helaynaa? Dowladdu wax ma noo qabanaysaa?”

Aragti Dhexdhexaad ah oo ka Dhex Muuqata Dadka Qaarkood

Dhinaca kale, Yahye Ali, oo ah muwaadin kale oo la hadlay Bilan Media, ayaa arrinta u dhigay si dhexdhexaad ah:

“Lacagta waxa lagu soo rogay waa ganacsatada, iyaguna waxay dul saarayaan shacabka. Ganacsaduhu isagu wax iskama gato, ee bulshada ayuu wax ka gadaa. Lacagta laga jarayo waa santiyo — uma arko wax weyn. Cabashada ha bilaabato marka lacagtaas wax lagu qaban waayo, sida iskuulo, isbitaalo ama jidad.”

Gunaanad

Cashuurta cusub ayaa kusoo beegantay xilli ay dad badan oo ku nool Muqdisho la tacaalayaan dhaqaale xumo, sicir barar, iyo adeegyo daciif ah. Inkasta oo dowladda sheegtay in cashuurtaasi wax tarayso, haddana shacabka ayaa weli ka shaki qaba in ay arkaan natiijo dhab ah oo la taaban karo.

Wariye: Shukri Mohamed Abdi
Warbaahinta: Bilan Media