MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo diiday la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo horraantii sanadkaan shaaciyay heshiis dhaawac ku ah midnimada iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Kulankaan waxaa abaabulkiisa lahaa Madaxweyneyaasha Jabuuti & Muritaaniya oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee Dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo haatan ah ergay katirsan Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa todobaadkii hore sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu Magaalada Beijing ee Caasimadda Shiinaha uu ku kulansiinayo Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya haddii ay u suuragasho.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo deris la ah Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhankiisa isku dayay kulansiinta Xasan Sheekh Maxamuud & Abiy Ahmed Cali balse wuu ku guuldareystay isku daygaas maadaama Madaxweynaha Soomaaliya uu diiday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu dib uga laabto damaciisa gurracan si loo saldhigo in labada Dal uga wadahadlaan waxyaabaha danaha u ah balse inta uu ku adag yahay mowqifkiisii hore aanay dhici Karin wax wadahadal ah.

Diidmadaan waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo labo jeer lagu  kala tegay gogoshii wadahadalka ee Turkiga uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa, waxaana loo ballansan yahay waji saddexaad oo bartamaha bishaan Sebteember qabsoomaya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shuruud wadahadal fool ka fool ah oo ay la yeelato Itoobiya ku xirtay in marka hore Xukuumadda Addis Ababa ay burburiso heshiis beenaadkii ay shaacisay horraantii sanadkaan 2024 in ay la gashay Maamulka Somaliland.