Danjiraha cusub Soomaaliya ee Dalka Maraykanka Daahir Xasan Carab oo ka hadlay kulan lagu sagootinayay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho si uu u guto waajibaadka ka saaran shaqada ergaynimo ee loo igmaday ayaa faah-faahin ka bixiyay sida uu u wajahayo howshaas.
Daahir Carab ayaa sheegay in uu xoogga saarayo xoojinta xiriirka labada Dal waa Soomaaliya iyo Maraykanka, waxa uu wadashaqayn ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed ee Dalkaas ku nool, waxa uu intaas ku daray in uu diiradda saarayo howlaha horyaalla.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan isbaddel ku sameysay qaar kamid ah Safiirrada u qaabilsan Dalal kala duwan, Danjireyaasha cusub ayaa lagula dardaarmay in ay xoogga saaraan xoojinta cilaaqaadka Dalkooda Hooyo iyo Waddanka loo igmaday.