Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magalaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyadoo ay si ballaaran usoo dhaweyeen odaayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.




