Maqnaanshaha Codka Haweenka ee Warbaahinta ee Dalalka Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Anagoo ah haween hoggaaminaya qolal warar ah gudaha dalalka Afgaanistaan iyo Soomaaliya – kuwaas oo si joogto ah loogu tixgaliyo meelaha ugu adag ee haweenku ku noolaadaan adduunka – waxaan si dhab ah u fahamsannahay khasaaraha ka dhasha maqnaanshaha dumarka goobaha ay wax ka dhacaan si ay dadka ula wadaagaan xaqiiqada halkaas ka jirta.

Maqnaanshaha haweenka saxaafadda gudaha dalalkan micnaheedu ma aha oo kaliya in la waayo in ka badan laba qeyb saddex meelood aragtida bulshada, balse sidoo kale waxa meesha ka baxaya aragti dhameystiran oo ku saabsan xaqiiqooyinka nolosha. Waxa laga lumayaa sheekooyinka dumarka lagu qasbo guurka iyaga oo carruur ah, hooyooyinka keligood ilmaha korinaya, dhibanayaasha kufsiga iyo tacaddiyada galmada, sahan qoto dheer oo ku saabsan gudniinka fircooniga ah, iyo niyad-jabka dumarka soo umulay.

Dumarka dhex joogga bulshada waxa ay indhahooda ku arkaan waxyaabo aan raggu arki karin, islamarkaana aysan awoodin in ay si dhab ah uga warbixiyaan. Taasi waxay ka dhigeysaa haweenka kuwo lama huraan u ah in saxaafaddu noqoto mid dhab ah oo loo dhan yahay.

Ma jiro dal caalamka ah oo haweenku aanay qayb ka ahayn warbaahinta. Si kastaba ha ahaatee, haweenka suxufiyiinta ah weli si buuxda looma matalo. Daraasad ay sameysay hay’ad caalami ah oo u dooda haweenka warbaahinta ayaa muujisay in haweenku yihiin saddex meelood meel (⅓) oo ka mid ah shaqaalaha warbaahinta caalamka.

Afgaanistaan, ilaa 2,000 oo haween suxufiyiin ah ayaa ka shaqeynayay saddex sano kahor, balse markii la gaaray bishii December ee lasoo dhaafay, tiradooda waxay hoos ugu dhacday boqolaal yar. Soomaaliya gudaheeda, suxufiyiinta haweenka ahi waxay ka yihiin wax ka yar 30%.

Inkasta oo Afgaanistaan iyo Soomaaliya aysan inta badan ku mideysnayn dhacdooyinka caalamiga ah, haddana marka laga hadlayo baahida loo qabo in haweenku muujiyaan aragtidooda saxaafadeed, labada wadan waxay wajahaan caqabado la mid ah. Qaran kasta oo doonaya horumar, nabad iyo caddaalad – waxa lama huraan ah in uu helo warbaahin codka haweenka si buuxda u metesha.

Sawirkan oo la qaaday November 13, 2021 ayaa muujinaya Madina, oo ah gabadh wariye hore usoo aheyd oo u dhalatay dalka Afgaanistaan, balse magaceeda la beddelay si loo ilaaliyo aqoonsigeeda, iyadoo ka hadlaysa waraysi ay wakaaladda wararka ee AFP kula yeelatay Kabul.

Bishan August waxa ey ku beegmeesaa saddex sano tan iyo markii Kabul ay gacanta u gashay Taliban, kuwaas oo tan iyo markaas soo rogay qaar ka mid ah xeerarkii ugu wuxuush sanaa ee dunida soo maray ee ka dhanka ah haweenka, kuwaas oo xaddiday waxbarashadeenna, shaqadda, sida aan u labisanno, iyo halka aan aadi karno.  Qaar badan, in ey ka tagaan guryahooda waxa ey ka dhigantahay in ey ka tallaabeen xuduud mamnuuc ah. Soomaaliya, taa cagsigeeda, haweenku waxa ey si furan ugu shaqayn karaan xirfadda suxufinimo, balse shaqadu waa halis misane aad u adag. Gabdhaha suxufiyiinta ah ee ku sugan Soomaaliya qeyb kama aha ka go’aan gaarista hay’adaha warbaahinta, waala dhibaateeyaa misane lagu xad-gudbaa waqtiga ee soo tabinayaan warbixinadda iyo watiga ey ku suganyihiin xafiisyada oo ey ku dhibateeyaan kuwa iyaga la’ah shaqo wadaagta.

Haweenka Afgaanistaan, oo tan iyo 2021-kii laga mamnuucay in ey aadaan iskuulada ka dib fasalka lixaad, iyo in ey dhigtaan jaamacaddaha, ayaa si weyn uga warqaba baahida loo qabo in la ogeysiiyo adduunka waxa ka dhacaya gudaha Afgaanistaan. Taalibaanku waxa ey ogsoonyihiin culayska uga imaan kara awoodda warbixin xor ah; Bilihii la soo dhaafay, waxaa meelo badan oo dalka ka mid ah ka soo baxay xaddidaadyo cusub, kuwaasoo haweenka iyo gabdhaha lagaga mamnuucay  in ey la hadlaan warbaahinta, ama in codkooda la sii daayo, oo xitaa looma ogola in ey codkooda lagu sii daayo xayeesiimaha.

Waxaa sii kodhaya qatarta ka dhalaneysa sidoo kalena waxaa sii adkaanaya ka mid ahaanshaha suxufiyiinka dumarka ah ee dalka Afgaanistaan. Intooda  badan suxufiyiinta dumarka ah waxa ey waayeen shaqadoodi tan iyo markii Taliban ay la wareegeen dalka. Kuwa ku haray waa in ey ku shaqeeyaan xaalado adag oo u baahan in qofka dumarka ah ey wada daboosho jirkeeda oo idil iyo wajiga oo dhan. (Weriyayaasheena waxa ey isticmaalaan waji-xidh iyo dhar wada daboolaya si ey uga fogaadaan duruucda jirka qofkoo idil wada dabooleysa), waa in uu la socdaa maxram, ama qof rag ah oo qaraabo la ah, mar kasta. marka ey ka baxayaan guryahooda. Haddana, tan iyo dhicidii Kabul ee August 2021, waxaa la iisoo dirayay fariimo ka imanaya dumarka da’da yar, kuwaas oo iweydiinaya sida ay u noqon karaan suxufiyiin. “Ma garanayo wariyayaal kale,” qof ayaa email iigu soo qoray sidan. “Ma iga caawin kartaa in aan noqdo mid ka mid ah suxufiyiinta, si aan uga soo hadlo misane wax uga soo gudbiyo xaaladdan caburinta ah?”

Weriyeyaasheena warbaahinta Rukhshana waxa ey ku kala baahsan yihiin dalka oo dhan, waana in ey si qarsoodi ah u shaqeeyaan, inta badana waxa ey wataan aqoonsiyo qarsoon. Shaqada ma’aha mid sahlan ama fudud. Tan iyo markii la aasaasay ururkayga wararka ee 2020, su’aalo weydiinta mas’uuliyiinta ee ku aadan xuquuqda haweenka waxa ey had iyo jeer ahayd mid eyka jirto  caqabad. Blase hadda wariyeyaashaydu waxa ey maalin walba maraan isbaarooyinka Taliban. Qaar badan ma rabaan qoysaskooda in ey ogaadaan in ey ka shaqeynayaan iyagoo u baqaya amnigooda. Waxaa sii kordheysa tiradda in durbaba lawaayo misana aan dib loo arag dadka dhaleeceeya Taliban ama waxaa dhacda in meydkoda uun lasoo helo.

Sii yaraanshaha suxufiyiinta dumarka ah waxa ey sii kordhin doontaa masiibadda hadda jirta, waxa eyna ka reebaysaa dunidda – iyo haweenka kunool gudaha Afgaanistaan ​​​ – in ey fursad u siiyaan arrimaha haweenka iyo xadgudubyada xuquuqul insaanka ee kajira dalka oo ey ugu wacantahay xukunka Taliban.

Labadeena dalba waa kuwo aan xasilooneyn, lamana saadaalin karo mustaqbalka. Balse iyada oo ey caddahay in Afgaanistaan ​​ay dib u dhaceyso, misane waxaa jirta in rajo laga qabo Soomaaliya.

Iyadoo ey tahay warbaahinta keliya oo ka jirta wadanka oo ey ka howl galayaashu qolka wararka dhamaantood yihiin dumar, warbaahinta Bilan waxa ey ka shaqaynaysay sidii ay wax uga beddeli lahayd sheekada Soomaaliya gudaha iyo tan caalamkaba. Weriyeyaasheena ayaa isku dayaya in ay usoo bandhigaan dhageystayaasha ku sugan gudaha iyo dibadda wax dhaafsiisan dagaal, cudur iyo macluul iyaga oo soo gudbinaya sheekooyin sida gabdhaha da’da yar ee beeraleyda ah, haweeneey maamule ah oo iskuulkeeda ku soo kordhisay waxbarashada xilliga caadada, iyo haweeney injineerad ah oo dhistay shirkad dhisme iyada u gaar ah.

Warbaahinadda Rukhshana iyo Bilan Media ayaa labaduba ka dhashay baahi deg deg ah oo loo qabay in wax laga qabto xog la’aanta ka jirta dalalkooda. Waa eynu yarnahay dal iyo dad ahaanba hase ahaatee sheekooyinkeena waxa ey gaadheen malaayiin jooga wadamadeenii hooyo, warbixinada suxufiyiinteena waxa lagu daabacay aduunka oo dhan.

Balse waxaa laga yaabaa in tan ugu muhiimsan ee shaqadeenu ey tahay middan: Jiritaankeena ayaa siinaya haweenka iyo gabdhaha Afgaanistaan ​​iyo Soomaalida ah in ey ku dhiiradaan in ey suxufiyiin ku noqdaan xaaladahan adag iyo aqoonta ay muhiimka u tahay, iyada oo aan loo eegin qoysaskooda, asxaabtooda, deriskooda, iyo dawladaha. laga yaabaa in ey u sheegaan. Ka muuqashada naadirka ah ee telefishinka ama ku qorista boggaga wargeysyadda waa in eysan ka dhignaan mudnaan gaar ah balse ey tahay mid aasaasi inoo wada ah.

 

Zahra Joya is editor of Rukhshana.

Hinda Abdi Mohamoud is editor of Bilan.

Aragtiyadda maqaalkan waa kuwo u gaar ah qoraayaasha