Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo maanta hawlgallo ka sameeyay koonfurta Gobolka Mudug

Faahfaahinno dheeraad ayaa ka soo baxayo weerar ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku qaadeen degaanno dhaca  koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa halkaas Hawlgallo qorsheysan oo ay ka wadeen deegaannadaas, ayaa Al-shabaab  kala wareegay deegaanka Baraag Cali-Gaduud oo galbeedka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sidoo kale, goobta ayaa ahayd meel ay Al-shabaab fadhiisin ku lahaayeen  oo ah dhulka howdka ah ee Deegaanka Ciidamada howlgalka kula wareegaen, deegaanka Baraag Cali Gaduud oo ku dhawaad 50KM dhinaca galbeed kaga beegan degmada Xarardheere.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay, in howlgalkan uu qeyb ka yahay qorshaha dagaalka ka dhan ah ee Al-shabaab  ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Hawlgalkaan ayaa ku soo aadyo, xilli maalmahii u dambeeyay ay Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ka wadeen, degaanno dhaca koonfurta Gobolka Mudug, hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab.