MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo u tagaya xal u helista xiisadda ka dhex jirta DF iyo kg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tago Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si uu xal ugu raadiyo xiisadda ka dhex jirta Dowladda & Dowlad-Goboleedkaas.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo xilkas ah oo ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Magaalada Baydhabo ayaa imaanaya iyada oo ay guuldareysteen dedaalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

Magaalada Baydhabo waxaa gaaraya xubno hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay xoojinayaan amnigiisa muddada uu joogayo xarunta Gobolka Baay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa damacsan in Dalka laga saaro Ciidanka Itoobiya ee jooga xooggooda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama Xukuumadda Abiy Ahmed ay ku xadgudubtay Midnimada & madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ganafka ku dhufatay arrintaan, waxa ay dood ka dhigatay in Amniga Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas ay muhiim u yihiin Ciidamada Itoobiya, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay dejisay qorshe looga fogaanayo firaaq dhici kara.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhowaan tagay Magaalada Baydhabo, waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, Xubnaha ku metala Baarlamaanka 11aad & mas’uuliyiin kale oo ay kawada hadlaan xaaladda taagan.