Dhallinyaro aano loogu dilay Masjid ku yaalla Magaalada Wardheer ee Gobolka Doollo DDS

Wararka ka imaanaya Magaalada Wardheer ee Gobolka Doollo Dhulka Soomaali Galbeed ee loo garan ogyahay Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Koox ilaa haatan aan la garan ay dil wadareed u geysatay 6 ruux oo ku sugnaa Masjid ku yaalla Magaaladaas.

Dilkaan ayaa lala xiriirinayaa Dilal aanooyin ah oo muddooyinkii dambe ka dhex jiray beelo walaalo ah oo maleeshiyaad hubeysan ay nafta dhaafiyeen Dad aan waxba galabsan balse loo beegsaday beesha ay ka dhasheen darteed.

Lixdaan Wiil ee la dilay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen Dhallinyarada xerta ah ee joogtay Masjidka halkaas oo inta badan noloshooda iyo waxbarashooda ku qaata, Kooxda weerartay ayaa dhaawac halis ah u geysatay, ugu dambeyn waa ay u dhinteen.

Dadka Magaalada Wardheer ayaa ku baaqay in lasoo qabtay maleeshiyaadkii dilkaas geystay maadaama cabsi darran oo arrintaas la xiriirta ay ka jirto Gobolka Doollo, waxa ay fariin u direen Mas’uuliyiinta Amniga qaabilsan ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida.