Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.
Wuxuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland in dagaalka uusan joogsan doonin, inta maamulka Somaliland ay heystaan taako ka mid ah dhulka Puntland.
“Sida aad la socotaan laba dagaal ayaa dhacday, mana joogsan doono dagaalka, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto, xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka isma taagi doono,” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne C/xakiin (Camey) ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in ay yimaadaan gobolka Sool, si ay u qiimeeyaan xaalada, wuxuuna Somaliland ku eedeeyay inay xabsiyada dhigto dadka jilicsan oo ay ugu horeeyaan haweenka.
Colaada ka taagan degaanka Tukaraq ayaa waxay u muuqataa inaan weli laga gaarin natiijo sax ah, baaqyo nabadeed oo la soo saaray kadib weli waxaa taagan xiisad dagaal, oo u dhaxeysa labadan maamul.