Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa maalintii labaad waxay howlgallo ka dhan Al-shabaab ka wado aagga tuulada Caanoole oo dhanka Koonfureed kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Ismaaciil Saxar-diid oo la hadlay Warbaanhinta ayaa waxa uu u sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ay burburiyeen fariisimihii Al-shabaab ay ku lahaayeen tuulada Caanoole.
Gobolka Jubbada Hoose ayaa  muddooyinkii dambe waxaa ka socday hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab kuwaas ay la wareegeen ciidanka dowladda.