Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay Soomaaliya u joogto dhul ballaarsi ee aysan aheyn mid ay uga difaaceyso cadowga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa eedeynta u jeediyay Itoobiya, isagoo xusay in joogitaankooda aysan la xiriirin la-dagaalanka argagixisada.
Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay in ay u dhaqantay si ka baxshan shuruudaha howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ay Itoobiya qeybta ka tahay, ayna hub sharci darro ah soo gelisay gudaha dalka, kuwaasi oo uga sii dari kara xaaladda taagan.