Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, halka 14 kale ay ku dhaawacmeen, duqeyn cirka ah oo ay Yahuuda ku qaaday iskuulka Rufaida ee ku yaalla Deir al-Balah, bartamaha Gaza, sida ay Warbaahinta u sheegeen ilaha caafimaadka Magaalada Gaza.
Iskuulkaan ayaa ahaa xarun magangalyo oo loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalka in ay hooy u noqoto. Tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa la filayaa inay kororto maadaama ambalaasyo wali ay daadgureynayaan dhibanayaasha goobta weerarka una gudbinayaan Isbitaalka al-Aqsa.
Bishii 1 Agoosto ee sanadkaan, ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaaday iskuulka Dalal al-Mughrabi ee waqooyiga magaalada Gaza, halka 3 Agoosto , 16 kale ay ku dhinteen duqeyn kale oo lagu qaaday iskuulka Hamama, oo sidoo kale ku yaalla magaalada Gaza.