Muuse biixi oo la kulmey safiir denmark

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa manta  kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka  maamulka Somaliland iyo Dowladda Denmark, iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dhowaan ka dhacay deegaannada Somaliland.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Wasaaradd Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ciise Keyd Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen, ayaa imaanaya xilli dhawaan la filaayo in Soomaaliland ay Doorasho ka qabsanto.