Kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjire Fiqi

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa warbixin ku saabsan xaaldda Tahriibayaasha Soomaaliyeed siiyay Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Safiirka oo shalay dalka ku soo celiyay maxaabiis gaaraysa 151 qof ayaa sheegay in xaaladda ay ku sugan yihiin tabriibayaasha ay aad u liidato, loona baahan yahay in dowladdu laba laabto hawlaha lagu soo celinayo maxaabiista ku jira xabsiyada Libya.

Danjire Fiqi ayaa intaas ku daray in maxaabiista haatan ku jira gacanta dowladda Liibiya iyo kuwa ay magafayaasha ku jira gacan-tooda ay u dhaxeeyaan 5 ilaa 7 kun.

“Mudane Madaxweyne hadii aan ku siiyo warbixinta dhalinyarada Tahriibayaasha ah, een dhalinyaradaasi waxay ku sugan yihiin xaalad aad u liidato, waxaana loo baahan yahay in dowladdu ay laba laabto hawlaha ay ku soo celineyso Maxaabiista.” Ayuu yiri Danjire Fiqi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa u sheegay Danjiraha in dowladda ay wado dadaalada dib loogu soo celinayo dhalinyarada ku jirta xabsiyada ku yaalla dalka dibadiisa, wuxuuna tilmaamay in hada ay socdaan wada hadalo arrimahaasi ku aadan.

Maxaabiistan shalay dalkooda hooyo dib loogu soo celiyay ayaa waxa ay qayb ka yihiin tiro maxaabiis ah oo horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u keentay Magaalada Muqdisho.