Iran waxay ballanqaadday inay si adag oo laga shallaayo uga jawaabi doonto weerarkii dhimashada lahaa ee Israel ku qaaday xarumaha milatari ee Iran.
Mohammad Mohammadi Golpayegani, oo ah la-taliye sare oo u dhow Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei, ayaa yiri “falka dhawaan ee Xukuumada Sahayuuniga ah ee ku saabsan weerarka qaybo ka mid ah dalkeenna uu ahaa tallaabo quus ah, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran-na waxay ka bixin doontaa jawaab adag oo laga shallaayo.”
Mr Golpayegani, oo sii hadlayey, Wuxuu amaanay waxqabadka difaaca hawada ee Iran ee “ka hortagga gelitaanka dagaalyahannada maamulka Sahayuuniga ah gudaha dhulka” wuxuuna sheegay in khasaarihii ka dhashay weerarrada uu ahaa “mid yar.”
Sidoo kale, General Hossein Salami, madaxa Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran , ayaa ka digay jawaab “aan la qiyaasi karin” oo loo qaadi doono Israel.
Wuxuu yiri, “Israel waxay gaartay marxalad burbur ah, maalmahan waxay u dhaqantaa si indho la’aan ah oo aan raacin wax xeer ah, waxayna geysataa dembi kasta.”.