Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa wajahaya cambaareyn xoogan oo uga imaaneysa bulshada Muslimiinta iyo Carabta ee Mareykanka kadib markii uu sheegay in Israel ay ku qasban tahay in ay weerarto dadka rayidka ah ee Gaza. Hadalkaan, oo uu ka jeediyey xaflad taageero u ah Kamala Harris oo ka dhacday gobolka Michigan, ayuu Clinton ku sheegay in Israel ay aheyd “midda ugu horreysay” ee joogta dhulka barakaysan, isagoo aan xusin dadka Falastiiniyiinta ah ee laga qixiyey guryahooda sannadkii 1948.
Hoggaamiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta Mareykanka ayaa si xoog leh uga falceliyey, iyaga oo hadalkaan ku tilmaamay mid “ihaano ah” iyo mid “kicinta xasaradaha.” Yousef Munayyer, oo ka tirsan Xarunta Carabta ee Washington, ayaa sheegay in hadalka Clinton uu yahay “mid qalafsan oo aan runta ku salaysnayn” isla markaana uu taageero u yahay weerarada Israel. Robert McCaw oo ka tirsan Golaha Xiriirka Islaamka ee Mareykanka (CAIR) ayaa sidoo kale ku tilmaamay hadalka Clinton mid “Islaam-naceyb ah.”
Hadalka Clinton ayaa sidoo kale sare u qaaday muranka ka taagan doorashada Mareykanka, iyadoo xisbiga Dimuqraadiga ee uu taageerayo uu wajahayo taageero lunta oo ka imaaneysa bulshada Carabta ee Mareykanka, oo qaar badan ay ku sii jeedaan taageerada murashaxa Jamhuuriga Donald Trump.