Gudiga Arimaha gudaha iyo dib u hishiisiinta oo yeeshay kulan

Guddiga Arrimaha Guddaha, Dib u heshiisiinta, Arimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Sare, Ayaa maanta yeeshay kulankoodii 21-aad ee kalfadhiga shanaad.
Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa ajandihiisu ahaa diyaarinta warbixinta nuxurkii ku saabsanaa soo jeedimaha Sanatarrada ee la xiriiray kaalinta shaqo Aqalka Sare ee matalaadda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Sooomaaliya.
Doodo iyo falanqayn ay yeesheen xubnaha guddigu ayay isla-qaateen in warbixinta ay guddoonka Golaha ay ku wareejiyaan, si loo ajandeeyo looguna gudbiyo fadhiga Golaha guud .