Xubno ka socday Dallada baraarug iyo Wasaarada Waxbarashada Hirshabeelke oo Gaaray Deegaano Hoostaga Matabaan iyo Gerijir.

Xubno Ka Socday Dalladda Khayriga ee Baraarug iyo Wasaaradda Waxbarashada Hiirshabeelle oo Wacyigelin Waxbarasho ka Sameeyay Deegaanno hoostaga Degmooyinka Matabaan iyo Gerijir.
Wafdi ka socda dalladda kheyriga ee Baraarug, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Hiirshabeelle, gaar ahaan agaasimaha waxbarashada degmada Matabaan iyo Gudoomiye xigeenka arimaha bulshada ee Dagmada Garijireed ayaa booqday deegaanno kala duwan oo hoos yimaada degmooyinka Matabaan iyo Gerijir ee gobolka Hiiraan. Deegaannada ay booqdeen waxaa ka mid ah Tuulo Guuleed, Dayax Weerar, Sanaan, Balli-kaay, iyo Dhuwiile.
Mas’uuliyiintan ayaa ujeedkoodu ahaa in ay dadka deegaanka u soo bandhigaan muhiimadda waxbarashada, isla markaana kor u qaadaan wacyiga bulshada ee ku aaddan waxbarashada. Intii lagu guda jiray booqashada, mas’uuliyiinta ayaa ardayda ku sugan deegaannadaasi u qeybiyey agabka aasaasiga ah ee waxbarashada, sida buugaag iyo qalinno, si ay ugu fududaato helitaanka waxbarashada. Sidoo kale, deegaannadan waxaa loo ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo keeni doono macallimiin, halka deegaannada horay looga hirgeliyey xarumo waxbarasho dib looga bilaabi doono duruusta.
Wafdiga oo safar saacado badan qaatay ku soo maray deegaannadan, ayaa sidoo kale kulan iyo isxog-wareysi la yeeshay bulshada ku nool Balli-kaay iyo Dhuwiile, iyaga oo dhageystay baahiyaha waxbarasho ee deegaanka. Dadka deegaanka, oo ay ka mid yihiin rag, dumar, waayeel iyo dhalinyaro, ayaa ka hadlay sida ay muhiim ugu tahay in waxbarasho loo helo, maadaama ay horay u lahaayeen xarumo waxbarasho oo wadajir loo adeegsaday.
Kulankaasi oo guul ku soo dhammaaday ayaa muujinaya sida wadajirka iyo wada shaqeynta dowladda iyo hay’adaha kheyriga ahi ugu heelan yihiin hormarinta waxbarashada deegaanada Miyiga iyo wacyigelinta bulshada ee gobolka Hiiraan.