Gudoomiyaha Hay,adda SODMA oo kulan uga qayb galay dalka Azerbijan

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo qeyb ka ah madaxda Soomaaliya ku matalaysa shir-weynaha caalamiga ah ee COP29 oo hada ka socda magaalada Baku, wadanka Azerbajan, ayaa qeyb ka ahaa madaxdii ka hadashay shir muhiim ahaa oo looga hadlayay saameeynta la filayo in ay gobolka bariga afrika ku yeelan karto xaaladda La Nina iyo abaarta ay ku keeni karto guud ahaan gobolka.
Hadal muhiim ah oo uu ka jeediyay shirka ayaa wuxuu gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay in ay hada tahay wakhtiga saxda ah ee mudan in la qaado tallaabooyin loogu diyaar garoobayo abaarta la saadaalinayo iyadoo la xoojinayo nidaamka bixiya digniinaha iyo in la xaqiijiyo in ay digniinuhu gaaraan dhamaan shacabka ay saameeyn karto abaartu.
Waxaa sidoo kale shirkaas qeyb ka ahaa madaxa urur goboleedka IGAD, iyo wasiiro ka kala socday Dowladaha Djiibuuti iyo Ethopia.