Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wafdi ka socday dalka Norway oo kulmey

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh),  ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday dalka Norway oo uu horkacayo ergeyga Khaaska ah ee u qaabilsan Soomaaliya Einar Rystad.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ee ka socda guud ahaan Soomaaliya, taas oo ka tarjumaysa iskaashiga joogtada ah ee labada waddan ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo dowladnimada.

Sidoo kale, Wafdiga ayaa booqday goobta uu dhismaha ka socday xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa arrimaha, iyaga oo lagala hadlay waxa ugu muhiimsanaa ee Dib u heshiisiinta iyo dadaallada Xasillinta.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli uu magaalada Muqdisho soo gaaray, wafdi ka socday dalka Norway oo uu horkacayo ergeyga Khaaska ah ee u qaabilsan Soomaaliya Einar Rystad, iyada uu halkaas ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).