Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa kulan looga hadlayay horumarinta iyo dardargelinga adeegga socdaalka ku qabatay Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle.
Kulankan oo uu goobjoog ahaa Agaasime ku xigeenka Hay’adda Mudane Xuseen Cabdullaahi Sheekh, isla markaana ay ka qayb galeen Agaasinka waaxyaha xuduuddaha iyo socdaalka, madaxda qaybaha socdaalka iyo xuduuddaha iyo saraakiisha ka howlgasha Socdaalka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xoogga la saari lahaa hubinta dokumintiyada dadka kasoo dega iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan Cabdulle.
Sidoo kale waxaa kulankaas maanta looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha adeegga socdaalka, iyadoo dadka loogu adeegayo si hufan.
Adeegga Socdaalka ayaa ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan oo ay Hay’addu u qabato dadwaynaha, waxaana uu laf-dhabar u yahay ilaalinta amniga xuduuddaha dalka, taas qayb ka qaadanaysa Sugidda Amniga Qaranka.