Raiisal wasaaraha Soomaaliya oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka kenya iyo waxa uu salka ku haayo.?

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay kulan gaar ah la yeeshaan Madaxda ugu sarreysa Kenya sida Madaxweyne William Ruto iyo ku xigeenkiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira iskaashiga dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Ganacsiga.

Sidoo kale, xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu Madaxweynaha Kenya kala hadli doon arrinta Jubbaland, si loo xalliyo xiisadda taagan.

Maalmihii la soo dhaafay wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa safaro kala duwan ku kala tagey magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, iyaga oo dhexdhexaadinayay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xooggeystay ka dib markii Axmed Madoobe uu doorasho ku qabtay magaalada Kismaayo, iyada oo mar kale lagu doortay. Tillaabadaasi ayay dowladda Federaalka ku tilmaamtay mid sharci darro ah, isla markaasna ka hor imaaneysa dastuurka dalka.

Intaasi ka dib, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in la soo xiro Axmed Madoobe oo ay ku eedeysay inuu ku xad gudbay shuruucda dalka, isla markaasna uu ku dhaqaaqay Khiyaano Qaran.