Dhalinyaro Soomaali ah oo laga sii daayay suudaan.

Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Suudaan Axmed Suudaani, ayaa maanta kormeeray 22 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan, kaddib markii laga soo daayay xabsiga.

Maxaabiistaan oo ka kooban 17 dhalinyaro ah iyo 5 gabdho ah, ayaa muddo saddex bilood ah ku xernaa xabsiyo ku yaala Dongola iyo Gadaref, ka dib markii la qabtay iyaga oo isku dayaya tahriib aan caadi ahayn.

Dhanka kale, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), oo kaashanaysa xafiiskeeda Portsudan, ayaa fududeysay sii deynta dhallinyaradaas, iyada oo ay weli saddex dhallinyaro Soomaali jiraan gacanta hay’adaha ammaanka ee Suudaan.

Sidoo kale, dhallinyaradaas ayaa weli waxaa ku socda baaritaanno, iyada oo siideyntooda dhawaan la filaayo; kaddibna dib loogu soo celin doono dalka Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan waxay muujineysaa sida ay ugu faraxsan tahay dadaalka wadajirka ah ee ay wadaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, iyada oo ku adkaysanaysa sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.