Raiisal Wasaare Kuxigeenka 2aad oo Muqdisho uga qayb galay Munaasabada Maalinta Xuquuqda Aaadanaha.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta ka qeyb galay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Hal ku dhegga sanadkan ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan” taasi oo diiradda lagu saarayo ahmiyadda ay xuquuqda aadanaha u leedahay nolol maalmeedkeena, si xal loogu helo caqabadaha ku horgudban xuquuqda aadanaha iyo baahida loo qabo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda bulshooyinka.
Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad Cabdisalam Cabdi Cali-Dhaay ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa is-dhexgalka caalamiga ah ee arrimahan la xiriira.