Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdulkadir Shire Warsame (Galbeyte), ayaa Deegaanka Maroodile ka dhagax dhigay dhismaha shan (5) wara-biyood oo casri ah oo qeyb ka ah Mashruuca Barwaaqo, kaasi oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka. Wara-biyooddan ayaa laga hirgelin doonaa deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa ka qeyb galay masuuliyiin heer sare ah oo ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Ganey, Guddoomiyaha Degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macallin, Agaasimaha Iibka Mashruuca Barwaaqo, Liibaan Abdalla Gorgor, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo bulshada deegaanka Maroodile.
Mas’uuliyiinta ka hadlay goobta ayaa sheegay in wara-biyoodkan laga fulin doono deegaanada kala ah: Maroodile, Nagaadiweyn, iyo Laas-ooy oo ka tirsan Gobolka Galgaduud iyo Docole, Ooman iyo Toore oo ka tirsan Gobolka Mudug
Mashruucan Barwaaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada, gaar ahaan dhanka helitaanka biyaha nadiifta ah.
Wajigii koowaad ee mashruuca Barwaaqo oo hore uga hirgalay Galmudug ayaa si weyn looga faa’iideystay, waxaana bulshada ka faa’iideysatay ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka beddeshay adeegyada biyaha ee deegaannadooda.
Mashruucan ayaa rajeynaya in uu sii xoojiyo dadaallada lagu xallinayo baahiyaha biyaha, Daweynta Xoolaha, taageerida Beeraleeyda iyo ilaalinta deegaanka ee deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.