Hay’adda WCPAD oo kaashanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo UNICEF Soomaaliya ayaa si weyn u xustay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha oo ku beegan 10ka December. Xuska waxaa hormuud ka ahaa Naadiyaasha Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo booqday iskuulada magaalada si ay ardayda ugu dhiirrigeliyaan doorka ay ku yeelan karaan horumarinta xuquuqda aadanaha.
Ujeedada xuska ayaa ahayd in la xasuusiyo guulaha laga gaaray horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo sidoo kale diiradda la saarayey gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Galmudug iyo kaalinta ardayda ee u hadlidda dadka aan awoodin.
Madasha xuska waxaa ka hadlay macallimiin iyo arday, kuwaas oo carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyagoo waxbarashada ku tilmaamay tiir muhiim ah. Ardaydu waxay sidoo kale soo bandhigeen sawirro gacanta lagu sameeyey oo muujiya qiimaha maalinta, iyagoo ku asteeyey caddaalad, xorriyad, iyo isku baraarujin bulsho.
Ugu dambeyntii, ka-qaybgalayaasha ayaa bogaadiyey dadaallada lagu wacyigelinayo xuquuqda aadanaha, iyagoo baaq u diray hay’adaha UNTMIS, UNICEF, iyo WCPAD inay sii xoojiyaan barnaamijyada ku aaddan horumarinta xuquuqda aadanaha ee deegaanada Galmudug, si gaar ahna magaalada Dhuusamareeb.