Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed (SSIA) ayaa markii ugu horreysay muddo 35 sano ah lagu qabtay Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu si rasmi ah u furay. Shirkan ayaa soo ururiyey in ka badan 400 oo ergo, kuwaas oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi-baarayaal caalami ah, iyo mas’uuliyiin ka kala socday jaamacadaha gobolka Geeska Afrika.
Ujeedada shirweynahan ayaa ahayd in dib loogu eego daraasaadka la xiriira Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada dhaqanka, siyaasadda, bulshada, iyo dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay cilmi-baarisyo cusub iyo daraasado wax-ku-ool ah oo lagu hormarinayo dhismaha iyo horumarka Soomaaliya​