Dagaal laga cabsi qabo in ka dhex qarxo Suuriya iyo ISRAA,IIL

Cabsi xooggan ayaa ka taagan xad beenaadka u dhaxeeya Suuriya iyo Israa’iil kaddib markii ciidanka Yuhuudda ay isku faafiyeen qaybo kamid ah dhulka Dalkaaa isbaddelka cusub ka dhacay.

Israa’iil ayaa ku dhaqaaqday tallaab ka dhan ah heshiiskii xalka loo arkay ee lagu kala xakameeyay iyada iyo Suuriya, waxa ay ka faa’iideysatay isbaddelkii lagu mashquulay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka sare ee riday Xukuumaddii Bashaar Al-Asad uu ka shiray waxa laga yeelayo dhul ballaarsiga Israa’iil ay wado weliba si aan ka gambasho lahayn.

Maraykanka, Qaramada Midoobay & Dhinacyada kale ee u janjeera Israa’iil ayaa digniin kasoo saaray in Xaaladdu ay faraha ka baxdo, waxa ay cambaareeyeen xadgudubka Yuhuudda ay sameysay.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee warqadda lagu soo qabayo miiska kol hore la saaray ayaa si aan ka gambasho lahayn u sheegay in uu bixiyay amarka isballaarinta sabab la xiriirta in ay la cabsanayaan duullaan uga yimaada Suuriya.