Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Suudaan, si uu uga warbixiyo xaaladda dalka iyo xiriirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka Suudaan ee Soomaaliya, Mudane Cammaar Axmed Baabakir, kaasoo uga warbixiyey xaaladda dalka Suudaan, howlgallada ciidan, iyo saameynta xiriirka labada dal.

Danjire Baabakir ayaa u mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in si diirran loogu soo dhaweeyey muwaadiniinta Suudaan ee qaxootiga ku yimid Soomaaliya ka dib dagaallada ka socda dalkooda. Wuxuu xusay in muwaadiniinta Suudaan ay si wanaagsan loogu qaabilay Soomaaliya, isla markaana walaalnimo iyo farxad lagu soo dhaweeyey.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin ka timid Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan, Mudane Cabdifataax Al-Burhaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhinaciisa, ayaa tilmaamay ahmiyadda taariikhiga ah ee xiriirka labada shacab, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan Suudaan, taasoo ay ka mid tahay taageeradii muhiimka ahayd ee dalkaasi uu u fidiyay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo tababarada amniga.

Ugu dambeynti, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dadaalayso nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan, maadaama nabadgelyada dalkaas ay muhiim u tahay gobolka Geeska Afrika.