Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa Maanta 6 June 2018 dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Caasimada Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay in uu ku soo dhammaaday guul.
Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku soo laabto dalkiiyoo nabad ah isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka difaaca Dowladda Puntland oo dharbaaxo kulul ku dhuftay kooxda argagixisada ah ee taakta daran ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Gal-Gala.