SAWIRRO:Ciidamada Puntland ee howlgalka ka wada gobolka bari.

Ciidamada ciribtirka argagixisada ee deegaanada dowlad goboleedka Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Howlgal saacadihii u dambeeyey ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad ayaa lagu burburiyey goobihii ay ku dhuumaaleysan jireen kooxaha argagixisada ah, hub iyo saanad ay goobahaas uga carareen.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa ku guuleystay inay soo ridaan diyaarado Drones ah oo ay Khawaarijtu u isticmaalayeen inay ciidanka ku basaasaan.