Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaran oo la filanaayo inay dhawaan hadlaan..

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka (GMDDSQ) ayaa la filayaa in goordhow uu qabto shir jaraa’id oo muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saari doono diiwaangelinta ururrada siyaasadeed. Shirkan ayaa lagu wargelin doonaa habraaca iyo shuruudaha ay tahay in ururrada siyaasadeed buuxiyaan si ay uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka qof iyo cod ee dalka.

Sida lagu wado, guddigu wuxuu faahfaahin ka bixin doonaa jadwalka diiwaangelinta, shuruudaha lagu xulanayo ururrada, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in hanaanka uu noqdo mid hufan oo loo dhan yahay. Shirkan ayaa muhiim u ah tallaabada lagu xoojinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, iyadoo lagu dhiirrigelinayo in doorashooyinka qof iyo cod ah ay noqdaan kuwa hufan, cadaalad ku saleysan, oo fursad siiya dhammaan ururrada siyaasadeed.

Go’aanka guddiga ee la xiriira diiwaangelinta ururrada ayaa loo arkaa mid laf-dhabar u ah isku diyaarinta doorashooyinka soo socda, iyadoo laga shaqeynayo sidii loo heli lahaa nidaam ka turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Wararka ku saabsan shirka jaraa’idka ayaan la socon doonaa si loo ogaado qodobbada muhiimka ah ee guddigu soo bandhigi doono.