Taabit oo Fariin u diray Bulshada Gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa farriin u diray bulshada gobolka banaadir.
Taabid ayaa yiri”Mabda’ ahaan iyo ficil ahaanba waxaan marwalba aamin sanahay in dadka ku nool Gobolka Banaadir ay ka baxaan maamul ku yimaada magacaabis oo si xor iyo xallaal ah u doortaan Golle Deeggaan iyo Duqa Muqdisho oo doorasho qof iyo cod ku yimaadaan, kana tashadaan aayahooda Maqaamka Muqdisho iyo Metallaadda Gobolka Banaadir.
Waxaan sidookale aamin sanahay in #20DEGMO ee Gobolka Banaadir ay helaan xuquudooda ku aadan doorasho qof iyo cod, xor iyo xallaal ah maadaama 20DEGMO ay wada yihiin canshuur bixiyayaal.
Siyaasiga diidan doorasho qof iyo cod Golaha Deeggaanka ee Gobolka Banaadir wuxuu si cad u dafirayaa xuquuq Muqdishaawi oo xaq ah”.