In ka badan 180 meydad ah laga soo saaray burburka Guryaha iyo dhismayaasha hoostooda ee marinka Gaza tan iyo markii la dhaqan geliyay xabbad-joojinta Xamaas iyo Israa’iil. Sida ay sheegeen Waaxda Dab-demiska Gaza iyo Kooxaha Gurmadka Dadka Deegaanka reer falastiin.
Shaqaalaha dab-demiska iyo dadka deegaanka ayaa sii wada raadinta meydadka Falastiiniyiinta weli ku aasan burburka, balse waxaa hortaagan baahida qalabka culus iyo mashiinnada.
Ciidamada Israa’iil ayaa hor istaagay gawaarida gurmadka degdegga ah iyo kooxaha samatabbixinta inay gaaraan qaar ka mid ah goobaha si ay u caawiyaan kuwa dhaawaca ah iyo inay soo saaraan meydadka, gaar ahaan gobollada bari iyo koonfureed, agagaarka aagga Philadelphi Corridor – oo ku dhow xadka Masar.