Duulimaadyadii Gudaha iyo Dibadda oo Dib u Bilaabanaya Berrito Kadib Khilaaf Taagnaa

Ururka Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa caawa soo saaray warqad ay ku sheegeen in laga bilaabo maalinta berrito, haddii Alle idmo, ay dib u bilaabi doonaan dhammaan duulimaadyadii gudaha iyo dibadda.

Guud ahaan dalka labadii maalmood ee ugu dambeysay kama aysan jirin wax duulimaadyo ah, taasoo ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay Wasaaradda Duulista Hawada ee DFS iyo shirkadaha diyaaradaha dalka. Arrintaas ayaa saameyn weyn ku yeelatay isku socodkii gudaha iyo dibadda dalka.

Ururka Shirkadaha Diyaaradaha ayaa tilmaamay in arintaan ay soo farageliyeen mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin, kuwaasoo labada dhinac ka codsaday in tabashadooda ku xaliyaan miiska wada hadalka, lana fasaxo duulimaadyada dalka.