Danjiraha J.F.S ee dalka Ruushka Mudane Maxamed Abuukar Subayr ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ahna Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Federaalka Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika Mikhail Bogdanov.
Mudane Maxamed Abuukar Safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo uga mahadceliyay Wasiirka ku xigeenka soo dhowaynta ayaa sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in labada dhinac ay ka sii wada shaqeeyaan horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada Wadan.