Taliyaha Ciidamada Xooga dalka oo gaaray Bali-doogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab.

Dufcaddan cusub ayaa tababarkooda ku qaatay Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure, iyaga oo soo dhammaystay tababar sare oo la xiriira xirfadaha dagaalka iyo difaaca dalka. Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeybgalay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka, macalimiintii tababarka bixisay iyo marti sharaf kale.

Intii uu ku sugnaa xerada Balidoogle, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeeray cutubyada ciidanka, wuxuuna dhiirrigelin u jeediyay ciidamada cusub ee tababarka dhammaystay. S/gaas Odawa Yusuf Rage ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada ay ciidamada Danab u leeyihiin difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.

Taliyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay saraakiisha tababarka bixisay dadaalkooda iyo hufnaanta ay ku diyaariyeen ciidamadan cusub. Wuxuu xusay in Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu sii wadayo dadaallada lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dufcaddan 11-aad ee Kumaandooska Danab ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.